Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilkii la wareegay (Daawo)
    Puntland

    Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilkii la wareegay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe.

    Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe, waxaa goob joog ahaa dhammaan Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyda, Madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo hadal ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta ah ayaa ugu horayn u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu sheegay inay wanaagsan ula shaqeeyeen, waxaa kale oo uu ka warbixiyey shaqooyinka baaxaddale ee uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

    “Aad baan ugu faraxsanahay inaan xilka idinku wareejiyo maanta, ula jeedada 8-dii Agaasime ee hore ay xilalka ula kala wareegeen waxay ahayd mar walba in jiil cusub yimaado horayna usii qaado horumarka iyo shaqada Madaxtooyadu ay hiigasanayso, halkan waa madaxii dalka, waa meeshii dadka laga hoggaaminayay, mar walba waxay u baahan tahay inuusan caajis-gelin oo aan qof iska fadhiyin, si horumar cusub u yimaado, is badalna u yimaado”. ayuu yiri Agaasime Biixi.

    Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo ku tilmaamay masuul shaqadiisa ka soo baxay, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay xoojin doonaan shaqadii socotay, isla markaana dawladdan ay ka go’an tahay ballanqaadkii Madaxweynaha iyo Tayeyn iyo Tiigsi, si looga dhabeeyo hadafka guud ee la hiigsanayo.

    Agaasime Maxamed Cabdiladiif ayaa ugu dambayn shaqaalaha Madaxtooyada Dawladda Puntland ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro horumar ku dhisan wada-shaqayn.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/2192931307487536/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.