Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Goormee lasoo Gaba-gabeynayaa Dhismaha Casriga ah ee Isbitaalka Gaalkacyo ? (Daawo)
    Puntland

    Goormee lasoo Gaba-gabeynayaa Dhismaha Casriga ah ee Isbitaalka Gaalkacyo ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAALKACYO (IDIL NEWS)-Guddiga Dayactirka iyo Dhismaha Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa shaaca ka qaaday halka uu marayo dhismaha Isbitaalka oo burbur kasoo gaaray Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay 2016-kii Gaalkacyo.

    Marwo Caasho Geelle oo kamid ah Hoggaanka Guddiga, ayaa sheegtay in uu meel gabo-gabo ah marayo Dhismaha Isbitaalka oo lagu sameyay Dayactir, Sidoo kalena lagu soo kordhiyay qeyb casri ah.

    Caasho Geelle, ayaa sheegtay inay lacag ku dhow hal Malyan oo dollar loo qorsheeyay inay ku baxdo Isbitaalka ayna bixiyeen inteedii badneyd oo ay ku deeqeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland, iyadoona xustay inay jirto lacag dhan 210,000 oo dollar taas oo uu lee yahay Kambaniga dhisaya Isbitaalka.

    Sidoo kale, Marwo Caasho Geelle ayaa sheegtay in Dhismaha Isbitaalka qeybtiisa cusub lasoo gaba-gabeynayo 20-Jun-2019-ka, Iyadoona ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha inay ka qeyb-qaataan bixinta dhaqaalaha dhiman ee Isbitaalka.

    Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, ayaa waxaa burbur xoogan kasoo gaaray Qaraxyadii 21-Augost-2016-kii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu weeraray xaruntii Dowladda Hoose ee Degmada iyo Suuqa weyn ee Gaalkacyo.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/Kasmaalmedia/videos/405898333508692/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.