Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Xarunta Kaydka Xogta Biyaha iyo Deegaanka (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Xarunta Kaydka Xogta Biyaha iyo Deegaanka (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha.

    Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macadanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha, dhismahan ayaa noqonaya xaruntii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Soomaaliya ilaa waxkhtigii uu dalku burburay, waxaana mashruucaan maalgaliyey EU, isla’markaana waxaa fulinaysa Hay’adda FAO oo kaashanaysa Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Deni oo muujinaya ahmiyadda balaadhan ee masruucan leeyahay ayaa tilmaamay in mushruucan looga faa’iidaysto khayraadkeena dalka ee u baahan in la kaydiyo, isagoona tusaale u soo qaatay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ( War la helyaabaTalo la hel).

    “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qayb galo xaruntan dhagax dhiggeeda oo runtii qiimo gaar ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland faa’iido gaar ah u leh, mudadii aan burburka ku jirney xarun noocaan oo kale ah waa xaruntii ugu horeysey ee Soomnaaliya laga fuliyo qiimo gaar ah oo aad u weyn ayeey inoo leedahay, waxaan aad uga mahadcelinayaa intii kasoo shaqaysay nooc kastoy tahay, waxaan uga mahad celinayaa hay’addaha deeq bixiyaasha ah oo mar walba la garab taagan sidii dalka iyo dadka ay u hormarin lahaayeen” Ayuu yir Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/410184483075275/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.