Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo amar siiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo amar siiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay masharuuca Wabarashadu Waa Iftiin wejigii sadexaad, kaasi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan Euro.

    Daahfurka Masharuucani ayaa waxaa qayb ka ahaa Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masiiliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, Madaxweynaha ayaa xusay in 982 xarumo waxbarasho ay ku yaaliin Puntland, ayna wax ku bartaan xarumahaasi 210,000 ( laba boqol iyo toban kun oo arday ).

    “Runtii maanta waxay ii tahay farxad aad u weyn inaan daah-furno ‘Aqoontu waa Iftiin barnaamijkiisii Saddexaad’ muddadii yarayd ee aan halka fadhiyey xasuus badan bay dib ii gelisey, waxay dib igu celisey 1992 – 1993 oo aan kamid ahaa Iskuulkii ugu horeeyey dadkii ka furay Garoowe oo dhawr bilood ama sanad wax ka yar is xidhay, iyadoo loo waayey wax laguwado, waa wax Alle lagu mahadiyo in maanta Puntland ka jiraan 198 Iskuul, kuwaasi oo ay ka faa’iidaystaan in ka badan 210,000 ( laba boqol iyo toban kun) oo arday ”

    “Tacliintu waa iftiin ummadeed, haddii aanay tacliintu jirilahayn Puntland maanta sida ay u egtahay uma ekaateen, dadka garbahan u ah Puntland maanta waxay u badan yihiin dadkii helay fursadaha waxbarasho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa EU-da iyo saxiibbo badan oo gacan weyn kasoo geystey waxbarashada Puntland, tacliintu waxay saldhig u tahay horumarka ay dadka Puntland ka gareen nabadda, xasiloonida iyo nidaamka wanaagsan ee maanta jira, cid kasta oo gacan-nagasiisayna runtii abaal weyn ayaan u haynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Dhinca kale Madaxweyne Deni ayaa ku booriyey guud ahaan hay’addaha dowladda iyo dadka Puntland ba inay ka faa’iidaystaan khayraadka dhulkooda oo aanay isku ilaabin taageerada beesha caalamka, si ay ula tartamaan dhigooda.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo kuwa ku hawlan arrimaha waxbarashada inay laba dhinac ahmidyadda siiyaan, kuwaasi oo kala ah Waxbarasha farsamada Gacanta iyo tan Wacyigelinta shaqooyinka dhaqan ahaan dadkeeni ka faano, kuwaasi oo Madaxweynuhu xusay in ajanebi dalkeena ka shaqeeyo.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/272197317065514/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.