Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Talaalka Dabaysha ee Caruurta 5 Sano Kayar (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Talaalka Dabaysha ee Caruurta 5 Sano Kayar (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 23, 2019Updated:March 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe ka daahfuray Talaalka Dabaysha ee caruurta 5-ta sano kayar.

    Daahfurka talaalka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, masuuliyiinta kale ee Wasaradda, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, bahda caafimaadka Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Talaalka Dabaysha ee caruurta shanta sano ka yar oo guud ahaan deegaanada Puntland ka socon doona muddo afar cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa lagu talaalayaa caruur gaaraysa Nus Malyan in ka badan (537,309), Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa la kaashanaysa fududaynta talaalka hay’addaha shaqo wadaagta la ah ee WHO iyo UNICEF, waxaana ka qayb qaadanaya 3,854 xirfadlayaal caafimaad.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa munaasabadda daahfurka khudbad muhiim ah ka jeediyey, waxa uu xusay in talaalka dabayshu yahay mid mihiim ah, Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Karaash mahad balaadhan u jeediyey cidkasta oo ka qayb-qaadatay hirgelintiisa oo ay ugu horayso Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

    “Waxaan ku faraxsanahay inaan idin-kala soo qayb galo munaasabadan muhiimka ah, muhiimadda gaarka ah ayuu nooleeyahay talaalkani, waa ay ku mahadsan yihiin intii ka qayb qaadatay fulinta barnaamijkan oo ay ugu horreeyaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, WHO Iyo UNICEF, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad la shaqaysaan hawl-wadeenada hawshaan haya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/2281182182148554/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.