Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxda DF Soomaaliya oo ka qeyb-galay Aaska Wasiir ku-xigeenkii Shaqada (Daawo)
    Puntland

    Madaxda DF Soomaaliya oo ka qeyb-galay Aaska Wasiir ku-xigeenkii Shaqada (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta waxa ay ka qeyb galeen Salaada Janaasada ee meydka Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

    Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’isal wasaare Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

    Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka,waxaana uu ku geeriyooday weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.