Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Agaasimaha Xarunta IRCICA (Daawo)
    Puntland

    Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Agaasimaha Xarunta IRCICA (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.

    Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xiriira hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

    Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

    Ugu danbayn agaasimaha Xaruntaasi wuxuu madaxweynaha Somaliland uga mahadnaqay kulankaasi ay la qaateen, waxaanu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay  Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.

    Waxaana kulankaa ku wehelinaayey Madaxweynaha Wasiirrada wasaaraddaha Diinta iyo aw qaafta, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.