Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Agaasimaha Xarunta IRCICA (Daawo)
    Puntland

    Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Agaasimaha Xarunta IRCICA (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.

    Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xiriira hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

    Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

    Ugu danbayn agaasimaha Xaruntaasi wuxuu madaxweynaha Somaliland uga mahadnaqay kulankaasi ay la qaateen, waxaanu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay  Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.

    Waxaana kulankaa ku wehelinaayey Madaxweynaha Wasiirrada wasaaraddaha Diinta iyo aw qaafta, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.