Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Farmaajo “Soomaaliya waxaa heysta cadow dal iyo dibed ah” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Farmaajo “Soomaaliya waxaa heysta cadow dal iyo dibed ah” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 26, 2019Updated:March 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay leedahay laba cadaw oo kala ah mid uga yimid dibada iyo cadaw Gudaha ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya burburinta Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in cadawga Dibadda ay adeegsanayaan dad Soomaaliyeed, iyaga oo uga gol leh in Soomaaliya aysan ka dhalan wax dowlad ah,isla markaana Kheyraadkeeda lagu maamulo sida uu hadalka u dhigay.

    “Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan inay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo sii hadlayey waxa uu sheegay in ujeedada ka dambeysa ay qeyb ka tahay in damiirkii soomaalinimo aad meel iska dhigto oo waxwalba aad haa tiraahdo,sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka Soomaaliya.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer ku cel celiyey inay jiraan dad diidan dowladnimada Soomaaliya, waxaana taasi la qaba siyaasiyiin farabadan iyo Bulshada qaar oo aaminsan in duruufaha heysta Soomaaliya laga faa’iideysanayo.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/784223785291235/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.