Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mike Pence oo ku biiray weerarka afka ah ee lagu hayo Ilhan Cumar (Daawo)
    Puntland

    Mike Pence oo ku biiray weerarka afka ah ee lagu hayo Ilhan Cumar (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 26, 2019Updated:March 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa ku biiray dagaalka afka ah ee ka dhanka Haweeneyda asalkeeda Soomaaliga yahay ee katirsan Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar.

    Mike Pence ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga xiriirka dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka, isagoo arintaasna sabab uga dhigay inay dadka Mareykanka ka dhex bilowday isir neceyb iyo kala sooc.

    Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Israa’iliyiinta Mareykanka ee AIPAC ayaa ku eedeeyay Ilhaan inay wado sidii ay u kala fogeyn laheyd Mareykanka iyo Israa’iil.

    “Waxey ku dadaaleysaa sidii Mareykanka uu u necbaan lahaa Israa’iil, waxaase u sheegayaa in labada dal aysan laheyn xiriir oo kaliya, balse ay yihiin hal qoys” ayuu yiri Pence.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniinta shalay ku dhawaaqay in si rasmi ah uu ugu aqoonsan yahay buuraha Golan Heights in ay leedahay Israel, xilli Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay aqalka cad ee Mareykanka

    Daawo.

    Halkaan Riix Si aad u Daawato MuuqaalkaDownload

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.