Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiirka Maaliyadda Puntland “Gaariga Madaxweynaha ee aan canshuurnay waa la qabanaya” (Daawo)
    Puntland

    Wasiirka Maaliyadda Puntland “Gaariga Madaxweynaha ee aan canshuurnay waa la qabanaya” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa shaaca ka qaaday in Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland ay dibin daabyo ku wadaan Hanaanka Canshuuraha Gaadiidka ee Dowladdda.

    Wasiir Xasan Abgaal ayaa sheegay in xubno katirsan Dowladda ay caadeysteen inay ka dhaga adeegaan Canshuuraha ku waajibka ah gaadiid aysan laheyn Dowladda Puntland, ayna hormuud u yihiin caqabadaha hor-taagan bixin canshuuraha gaadiidka.

    Waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in gaadiid aan wadan taarikada GD ah ee la siiyo Masuuliyiinta Dowladda uu canshuur la,aan maro Kantaroolada iyo gudaha Magaalooyinka, xitaa haday yihiin Gaadiid uu lee yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Wasiir Abgaal ayaa ka dalbaday Masuuliyiinta Dowladda inay u hoggaansamaan Sharciyadda dalka, oo uu sheegay in hadii aysan ilaalin aysan suuragal aheyn inay ilaashaan ama la faro Shacabka.

    Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheeegay inay tiradii ka bateen Gaadiidka sita Taarikada Gaadiidka Dowladda ee loo yaqaan GD, ayna jiraan Dad Shacabka oo wata, isagoona ugu baaqay Masuuliyiinta iyo Hay’adaha Dowladda inay yimaadaan Xarunta Wasaaradda si loogu dhajiyo istiikaro cusub oo lagu aqoonsan doono Gaadiid Dowladda.

    Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa Hadalkan ka sheegay kulan uu shalay la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Ciidamada Taraafikada, Ciidamada Turbataariyada iyo shirkadaha qaabilsan istiikarada iyo taarikada.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/782855895422804/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.