Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho (Toos u Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho (Toos u Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    QARDHO (IDIL NEWS)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

    Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan,  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho, waxaa ka qeyb-galay Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Qardho.

    Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Labo Maalmood ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona kulamo la yeelan doona, Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo Hormarinta Qardho.

    Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Qardho la kulmi doona Boqor Burhaan Boqor Muuse oo uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya, Iyadoona muddooyinkii ugu dambeeyay ay socdeen dadaalo lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Iyo Boqorka.

    Socdaalka Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ah kii ugu oreeyay oo uu ugu baxay Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, waxaana la filayaa in uu u sii gudbo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

    Halkaan Hoose Si Toos ah uga Daawo Soo Dhaweynta Madaxweyne Deni.

    https://www.facebook.com/DabaraaniMediaInc/videos/823539494668608/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.