Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Qardho ka Dhagax dhigay Garoon Kubadda Cagta ah (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Qardho ka Dhagax dhigay Garoon Kubadda Cagta ah (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    QARDHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono si casri ah.

    Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Bahda ciyaaraha gobolka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa’iidaysto.

    “farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoonka kubadda cagta Qardho, waxaan garawsanahay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaruhu guud ahaan dalka oo dhan, waxaan bogaadinaynaa dedaalka maamulka degmadu ugu jiro sare u qaadidda ciyaaraha”.

    “Dhulka waa dhul aad u wanaagsan oo kasoo fog magaalada, aadna u siman kuna haboon garoon, waxaan ku darayaa in degmadu labada Boqor kasii badiso oo dhulkani noqdo dhul dowladeed, mustaqbalkana mashaariic kale oo dan u ah danta caamka ah lagu fuliyo, waxaan rajaynayaa in aan soo noqdo garoon kaas oo dhammaaday, dedaalka guud ee aan wadaana waan idinku garab taaganahay” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray saldhigga iyo qaybta degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay taliyaha qaybta qobolka Karkaar iyo Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Qardho.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/524111368117295/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.