Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Somaliland “Farmaajo hadalkiisa iyo dhaqankiisu isma laha” (Daawo)
    Puntland

    Somaliland “Farmaajo hadalkiisa iyo dhaqankiisu isma laha” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HARGEYSA (IDIL NEWS)-Maamulka Somaliland ayaa ka Jawaabay hadalkii dhawaan uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada Soomaaliland.

    Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in ay diyaar u tahay Somaliland Wada-hadalo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan dhab ka aheyn dhinaca Dowladda Soomaaliya.

    Waxaa uu sheegay in Marar badan wada-hadalo ay yeesheen labada dhinac ay gaareen is afgaradyo, kuwaas oo ka socon waayay dhinac Dowladda Soomaaliya oo aysan dhab ka aheyn sida uu sheegay Heshiis rasmi ah oo ay wada qaataan labada dhinac.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo in Madaxweyne Farmaajo aysan is laheyn Hadalkiisa iyo Dhaqankiisa, isagoona ugu baaqay in uu u soo daa’dego xaqiiqada.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Maalin ka hor sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka Somaliland, isla markaana doonayso inay ka mira-dhaliso Wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.