Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Degmada Waaciye ? (Daawo)
    Puntland

    Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Degmada Waaciye ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAACIYE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti baaldhan oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Degmada Waaciye ee Gobolka KarKaar.

    Madaxweynaha oo saaka kasoo kici timay degmada Qardho ayaa ku soo hakaday magaalada Xiddo oo uu kusoo salaamay Xaaji Xuseen Gacayte oo ah odayaasha ugu waaweyn ganacsatada Puntland, caana ka ah mandaqadda Gobolka Barri.

    Madaxweyne Deni iyo Waftigii balaadhnaa ee la socdey ayaa soo gaaray degmada Waaciye, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey maamulka degmada kan gobolka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntlaland iyo boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaciye, waxaa uu Madaxweynuhu ka mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa ee shacabka Waaciye.

    “Waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa maamulka degmada iyo shacabka Waaciyo sida diiran ee ay noosoo dhoweeyeen iyadoo ay tahay maalin jimce ah oo salaaddii jimce ay soo dhowdahay, waxaan Alle ka rajaynaynaa madar khayrqaba ummaddiisa u shubo isagaa wax walba deeqsiin kara eh, runtii waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee dadka reer Puntland ugu hawlan yihiin inay nabaddooda ka shaqeeyaan, inay horumarkooda ka shaqeeyaan inay wadada horumarka cagta saaraan”

    “Dowladdan ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba waa sugidda nabadgelyada, dhismaha ciidanka, qaabaynta iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, waxaan rajaynayaa haddii aan gacan idinka helno in nolosha dadkeena tabaalaysan wax iska bedelidoonaan, shaqooyinkii, xuriyaddii, ganacsigii iyo isu socodkii ay soo noqondoonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in cadawga dadka rayid ka ah dhibaataynaaya ay sabab u yihiin cadho Alle oo sababi karta abaarta baahsan ee dadkeenu la tabaalaysan yihiin, Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso, waxaana uu ku booriyey inay ka dhiidhiyaan haldoorkooda maalin walba ay dhibaataynayaan argagixisadu, iyagoo isku duubanna ay dowladdooda la shaqeeyaan.

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee degmada Waaciye, Maamulka cisbitaalka ayaa goobjoog ahaa, Madaxweynaha ayaa ku booriyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada, isla’markaana u balan qaaday in baahiyaha cisbitaalka si dhow wax looga qabandoono.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/362188191292608/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.