Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muqdisho: Itoobiya oo lagu wareejinayo Xeradii Ciidanka Badda Soomaaliya (Daawo)
    Puntland

    Muqdisho: Itoobiya oo lagu wareejinayo Xeradii Ciidanka Badda Soomaaliya (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Iyadoo Xiisad u dhexeysaCiidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya ee Miriino, ayaa waxaa isa soo taraya Wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu siiyay Dhulka xeradaas Dowladda Itoobiya.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa u balanqaaday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya inuu ku wareejin doono Dhulka Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya, kaas oo kaabiga u saran Xeebta, sida uu sheegay Danjire Maxamed Caalim.

    Danjire Caalim ayaa sheegay in kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, uu u balanqaaday Mr. Abiy in uu ku wareejin doono Xerada Ciidanka Badda Soomaaliya, si ay Dowladda Itoobiya uga sameysato Safaarad iyo Saldhig Ciidan.

    Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu heshiis kula galay Itoobiya in uu siiyo Saldhig Ciidan, taas bedelkeedna ay ka taageerto Tababarada Ciidamada iyo la dagaalanka Argagixisada.

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bishii hore soo saaray amar ku saabsan in laga guuro Xero Mariino oo ay aheyd Xeradii Ciidamad Badda, waxaana dhulkaas dhistay Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano.

    Ra’iisulwasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhowaan shaaciyay inay dardar-geliyeen Dib u dhiska Ciidankii Badda Itoobiya, taas oo hadal heyn badan ka abuurtay Caalamka, gaar ahaan Gobalka Geeska Africa, iyadoona ay jireen Warar ay baahisay Warbaahinta Caalamka oo sheegayay in mid kamid ah Wadamada Dariska la ah Itoobiya uu u balanqaaday Saldhig.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/Kalsantv/videos/2067745943526708/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.