Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Abiy oo ugu baaqay Soomaalida inay noqdaan Calaamada Itoobiya (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Abiy oo ugu baaqay Soomaalida inay noqdaan Calaamada Itoobiya (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    JIGJIGA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa baaq u diray Shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida, Isagoona ka dalbaday inay ilaaliyaan Qoomiyadaha kale ee kunool Degaankooda.

    Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu dadaal ku bixiyay in ay helaan Shacabka Degaanka Xornimo, meeshana laga saaro Madaxweynihii hore ee Dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

    Waxaa uu sheegay intaas lagu guuleystay, maanta uu ka hirgalay Dowlad Degaanka Is-bedel dhab ah, isagoona taas bedelkeeda sheegay in looga baahan yahay Shacabka inay tixgelin siiyaan Qoomiyadaha kale ee la nool, ayna ka ilaaliyaan inay barakiciyaan.

    Mr. Abiy ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Dowlad Degaanku ay noqdaan Boolis ilaaliya Qoomiyadaha kale ee la nool, si ay u noqdaan Calaamada Itoobiya ee lagu faano.

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa baaqan ka jeediyay xilli uu shalay ka qeyb-galayay Gaba-gabadii Shirweynaha Xibsiga Dilmuquraadiga Soomaalida oo maalmo ka socday Magaalada Jigjiga ee xarunta Degaanka.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/SRTVPage/videos/1169481583229726/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.