Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo la Magacaabay (Daawo)
    Puntland

    Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo la Magacaabay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2019Updated:April 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

    Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee maanta waxa ay kusoo bandhigtay natiijadii kasoo baxday imtixaanaad loo galay xilka gudoomiyaha bangiga dhexe oo ay soo codsadeen 146 aqoon-yahan, taas oo ugu dambayn uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

    Golaha wasiirrada ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

    Bangiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha ugu muhiimsan hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

    https://www.facebook.com/Faaid.Aden/videos/2582599451769476/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.