Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Goodax oo laga gudbinayo Dacwad (Daawo)
    Puntland

    Wasiir Goodax oo laga gudbinayo Dacwad (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed, oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana shalay wasiirka waxbarashada uu ku tilmaamay inuu wakiil u yahay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay In Xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen arintaasi, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Wasiirka.

    Xildhibaanka ayaa sheegay in falkaas lagula kacay uu yahay dhaqan xumo weyn, isla markaana Shacabka dhegahooda ay maqleen war aan wanaagsaneyn oo uu uga tacsiyadeynayo.

    Waxa uu tilmaamay in Gudiga anshaxa Barlamaanka Soomaaliya ay u gudbin doonaan, isla markaana iyaga oo Xildhibaano dhowr ah ay looyaro qabsadeen dacwadna ay ka gudbin doonaan Xildhibaan/ Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

    “Waxaan meel ku saari karnaa kulana xisaabtami karnaa sharciga, ilaa xasaanada laga qaado,kadibna aan maxkamad la tiigsado,sigaar ah ayuu Goodax ii farmuuqay oo dareenkeyga bedelay ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen.

    Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in si gaar ah uu ula kulmay Wasiir Goodax, kaddib markii uu ku tilmaamay in uu Shabaab la Shaqeeyo uuna weli hadalkiisa kusii adkeysatay,hayeeshee Go’aankooda uu yahay inay Shacriga la tiigsadaan.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ahna Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, ayaa si live ah ugu eedeeyey Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab, kaddib Buuqii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka, Iyadoona hadalkaas loo jeediyay dhaliilo badan.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.