Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni: Aniga iyo Safiirada EU waxaan dhameynaynaa Mad-madowgii hore
    Puntland

    Madaxweyne Deni: Aniga iyo Safiirada EU waxaan dhameynaynaa Mad-madowgii hore

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Ujeedada Socdaalka Safiirada Dalalka Yurub ee maanta imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Deni ayaa Sheegay in Safiirada ka socda Wadamada Midowga Yurub oo ay kamid yihiin Danjirayaasha Wadamada Jarmalka, Ingariiska, Talyaaaniga iyo kuwo kale, uu la kulmi doono maanta ayna yeelan doonaan Wada-hadal.

    Waxaa uu sheegay in isaga iyo Safiirada Yurub ay ka wada-hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa Mad-madowyo horey u jiray oo la xariiray Musuq-maasuq lagu sameeyo Mashaariicda ay ugu deeqaan Degaanada Puntland iyo la dhisi kalsoonada u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Wadamada Midowga Yurub.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Safiirada Midowga Yurub ay u soo badhigayaan Qorshe Cad oo Daah-furan, si meesha uu uga baxo Mad-madowgii laga dhaxlay nidaamyadii hore.

    Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay Kulan uu la yeeshay shalay Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, kuwaas oo su’aalo weydiiyay Madaxweynaha.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/348691225772611/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.