Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirada Wadamada EU-da ? (Daawo)
    Puntland

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirada Wadamada EU-da ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso, soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo weftiga balaadhan ee ay hogaaminaysey, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.

    “Waxaa maanta sharaf weyn noo ahayd in safiiradda dalka Jarmalka, ku-xigeenkeeda iyo waftiga balaadhan oo wehelinayey yimaadaan Garoowe, waxaan aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horeysey meel ka baxsan Muqdisho safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo,”

    “Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Ugu dambeyn, Ambassador Annett Günther ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay imaanshiyaha Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Germany ay ka fuliso Puntland ay sii socon donaan iyada xustay in wafdiga ay hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filayo in waxkhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono dhismaha wadadaas.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/344432883083049/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.