Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Jubbaland: Dastuurku wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Jubbaland: Dastuurku wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay jahwareerka ugu badan ee dalka ka jira uu yahay Dastuurka oo aan weli heshiis dhab ah laga gaarin.

    Axmed Madoobe ayaa sheegay in dastuurka uu yahay wax dad ku heshiiyay oo bulsho ku dhaqanto, balse dastuurka qabyada uu weli yahay mashruuc aan dhamaan oo marba qolo ay meel u wadato.

    “Dastuurka wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan oo marba meel qolo u wadato wey adag tahay in dowladnimada sal dhigato inay wax ku heshiiso waa adag tahay in is qabqabsiga la daayana waa adkaaneysa, inta Dastuurka uu qabyo yahay sidaas baa dabada isku heysaneynaa, haddaan runta la sheegay oo heshiis dhab ah laga gaarin”ayuu yiri Axmed Madoobe.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in weli la isku haayo qodobada qaar ee Dastuurka, isla markaana dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada is hayaan, sida awoodaha sida loo kala leeyahay illaa iyo hadda aan lagu heshiin,

    “Haddaan wax dhab ah la helin oo aan la dhameystirin Dastuurka oo wax bulshada ku heshiiso la helin is qabqabsiga ma deyneyno”ayuu yiri Axmed Madoobe.

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay maanta ka qeyb galayay furitaanka shirka Dib u eegista Dastuurka oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/2225156371147390/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.