Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Karaash oo kulan la qaatay laamaha Amniga Iyo Cadaaladda Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Karaash oo kulan la qaatay laamaha Amniga Iyo Cadaaladda Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay laamaha Cadaaladda, Garsoorka iyo Amniga Puntland.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caddaalada iyo Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kulanku intii uu socday si qoto dheer ayaa looga wadahadlay arrimaha cadaaladda iyo sidii kor loogu qaadi-lahaa.

    Sidoo kale kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinacyadii ka qayb-galay oo isugu jiray Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Madaxweynaha oo ka soo qayb-galayaasha shirkan isugu yeeray waxa uu ku saabsanaa sidii kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay loo dedejin lahaa, ciddii danbiga gashayna Cadaaladda loo marin lahaa, dadkii dhibaatada loogaystayna loo daawayn lahaa”. ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay ku booriyay inay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado, loona suuriyo ficilada foosha xun-xun ee soo laalaabtay.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.