Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garoowe: Caro ka dhalatay Hanjabaad uu arday Puntland u diray Wasiir Goodax (Daawo)
    Puntland

    Garoowe: Caro ka dhalatay Hanjabaad uu arday Puntland u diray Wasiir Goodax (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree e Dowladda Puntland, ayaa u yeertay Warbaahinta, Iyadoona la filayo inay ka jawaabto hadal shalay kasoo yeeray Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Hanjabaad u diray Ardayda Dugsiyadda sare ee Puntland, taasoo ku aadan in aysan heli doonin Shihaadda dowladda haddii aysan ka qeyb galin Imtixaanka dowladda Soomaaliya ay iclaamisay, oo uu sheegay inay Dowladda Puntland.

    Hadalka Wasiir Goodax ayaa dhaliyay Dood badan, Iyadoona Mas’uuliyiin kala duwan oo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, ay ku tilmaameen wax lagu qoslo hadalka Mr. Goodax.

    Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaliya horay u soo noqday Wasiirka Waxbarashadda Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa dhaliilay hadalka Wasiirka , waxaana uu sheegay in arrimaha waxbarashadda uu qaas u yahay maamul goboleedyadda.

    “Wasiir Godaxow, Puntland waa pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer. Waa nidaam waxbarasho oo leh sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda. Waa nasiib darro inaad maanta ku goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya Dawlad dhexe.
    Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna marti looga noqon” ayuu yiri Juxa.

    Sidoo kale, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, soona noqday Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Duulista Hawada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, ayaa sheegay in fajac ku tilmaamay hadalka Goodax

    “wasaarad aan hayn xogta schoolada 18 degmo ee xamar, xitaa aan laga helaynin magacyada iyo xogta buuxda ee ardaydaas, xitaa aan ka qaadin imtixaan midaysan baa rabta inay imtixaanka usoo diyaariso wasaarad 20 sano dhisnayd taas oo 9 ka gobol ee puntland arday kasta xogtiisu daabacan tahay, wasaarad haysa tirada macalimiinta , wasaarad qaada imtixaanka 9 kaas gobol, isku marna lawada galo. waa aduun iyo waayihiis” ayuu yiri C/rashiid Xirsi

    Dhanka kale, Shacabka Puntland ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu yahay Ruux iska hadlay, uusana hadalkiisu sameynayn micno badan, maadama Dowladda Puntland Waxbarashadeedu ay tahay mida ugu tayada badan Soomaaliya.

    Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland, ayaa la filayaa inay ka jawaabto Hadalka Wasiir Goodax, waxaana muuqata in uu dib u soo cusbooneysiiyay khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland hadalka Wasiir Goodax.

    https://www.facebook.com/mahadsalad/videos/2305338863043031/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.