Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Deni oo baaq u diray Hay’adaha UNICEF iyo ICRC
    Puntland

    VIDEO: Deni oo baaq u diray Hay’adaha UNICEF iyo ICRC

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi Mr. Werber Schultunk iyo Isuduwaha Hay’adda ICRC Puntland Emmanuel Lippolis.

    Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani.

    Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac.

    “Madaxweye Deni wuxuu xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulka cusub ee UNICEF usoo magacowday Soomaaliya Mr Werber Schultunk iyo xubno ka tirsan saraakiisha Hay’addaasi, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada-shaqayn lahaa iyo in UNICEF sii joogtayso mashariicda ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland”.

    https://www.youtube.com/watch?v=RXiF91UW944&feature=youtu.be

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay madaxda UNICEF in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka jira ee ay soo gudbiyaan, taas oo uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay taasi, si looga jawaabo baahiyaha jira” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Isuduwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis Iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Cabdifataax Fandhaal, waxaa ka warbixiyey kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

    “Madaxweyne Deni waxa uu isla xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay isu duwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo madaxa xafiiska ICRC Puntland Mudane Cabdifataax Fandhaal waxaa laga wada-hadlay shaqada ay ICRC ka wado Puntland, shaqooyinka socda iyo sidii wada-shaqaynta muhiimka ah ee ka dhaxaysa Puntland iyo Hay’adda ICRC loo sii joogtayn lahaa”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.