Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka QM oo kulmay
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka QM oo kulmay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 15, 2019Updated:July 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay”adaha Qaramada Midoobay.

    Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka.

    Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland.

    Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Argagixisonimo ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.

    Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland.

    Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/4sW37ujLRHs

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.