Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo heshiis gaaray
    Puntland

    VIDEO: Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo heshiis gaaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.

    Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday, hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.

    Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana xalay markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa.

    https://www.facebook.com/Kasmaalmedia/videos/2786199024788784/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.