Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil Ciidan
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil Ciidan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 24, 2019Updated:July 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan uga qeyb galaya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som munaasabad tababar loogu soo xirayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/418831075508722/

    Waxaa kale oo munaasabadda ka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Saldhiga turkiga uu ku leeyahay Magalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Munaasabada tababarka Saraakiisha loogu soo xirayay ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo saraakiil xigeenada tababarka la siiyay in waxyaabhihii la soo baaray Shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan.

    Waxaa uu sheegay in Saraakiishaan looga baahan yahay inay noqdaan kuwa wadaniyiin ah oo aaminsan inay dalka leeyihiin,isla markaana muhiim ay tahay inay dalkooda difaacaan una Shaqeeyaan,waxaana dowladda Turkiga uu ugu mahad celiyay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

    Waa dufcadii labaad oo saraakiisha heerkaan ah ee ka qalin jebiya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som ee Magalada Muqdisho,waxaana xerada weli ka socda tababar la siinaayo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.