Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni oo Shir guddoomiyey Shirka amniga Dowladda Puntland.
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni oo Shir guddoomiyey Shirka amniga Dowladda Puntland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2019Updated:July 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. 

    Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

    Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.

    “ Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntladn 
    Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/9SLOjoxruUE

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.