Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Wershedda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Wershedda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wershed cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysey laga hirgaliyey deegaanada Puntland.

    Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.

    “Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”.

    “Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa hormarku”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.

    Munaasabad kooban oo ka dhacay xaruunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkadaan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku weheliyey Daahfuray xaruntaasi Wasiiro, masuuliyiinta shirkadda iyo xirfadlayaal reer Puntland.

    https://www.youtube.com/watch?v=CSTna8km8G8&t=18s
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.