Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Shir u dhexeeya Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya Jigjiga
    Puntland

    VIDEO: Shir u dhexeeya Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya Jigjiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shir u dhaxeeya Maamulada Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada oo mudo sanado ah uu dagaal dhexmarayay, ayaa maanta ka furmaya Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

    Shirkan oo looga hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Colaada u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada, ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Oromada Shinmelis Abdisa, iyo wafti uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray Magaalada Jigjiga.

    Shirkan ayaa si gaar ah waxaa diirada looga saarayaa sidii looga kabsan lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaalida iyo Oromada, cadaadis lagu haayay Soomaalida iyo in labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada ay noqdaan kuwa nabad ku wada noolaada oo is dhexgala.

    https://www.facebook.com/SRTVPage/videos/399430437593663/

    La-taliyaha dhinaca Saxaafadda ee Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Muxumed Colaad, ayaa sheegay in shirkaan uu daba socdo shirkii Bishii Shanaad ee sanadkaan ka dhacay Magalada  lnaasileed ee Xarunta Dowlad deegaanka Oromada, isla markaana la rajeynayo in maslaxada labada Shacab laga wada Shaqeeyo.

    Soomaalida iyo Oromada ayaa Colaadooda waxaa ay aheyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay mid xoogeysatay, waxaana la dilay Boqolaal ruux oo labada dhinac ah, hayeeshee isbedelkii ka dhacay labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromada ay bilaabeen wadahadallo xal looga gaarayo dagaaladii dhexmaray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.