Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: IGAD oo ku dhawaaqday War culus oo ku saabsan Doorashada Jubbaland
    Puntland

    VIDEO: IGAD oo ku dhawaaqday War culus oo ku saabsan Doorashada Jubbaland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 8, 2019Updated:August 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo oo uu maalmahan ku sugnaa, ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland, iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah.

    https://www.youtube.com/watch?v=pzxjXlcjnAw&feature=youtu.be

    Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin. Musharaxiinta Madaxweynaha ee is diiwaan galiyay. iyo kuwa aan diiwaan gashanayn. Odayaasha dhaqanka. Ururada Bulshada. Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland. gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.

    Wakiilku wuxuu sheegay in IGAD ay cadaynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacaya taas oo horay usii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

    Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu sheegay in Shacabka iyo hogaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo wuxuu intaas ku daray in wixii cabashooyin ah ee soo baxa wada hadal lagu dhameeyo iyadoo shacabka loo turayo.

    Wafdiga ayaa goordhow ka dhoofay garoonk diyaaradaha Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyagoo beesha caalamka la wadaagi doona sida howlaha doorashooyinka Jubbaland ay u socdaan,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/Kasmaalmedia/videos/714617762321729/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.