Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni oo kormeer qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda ee Garoowe
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni oo kormeer qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda ee Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah, Wasaaraddaha Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe, kuwaasi oo kala ah: Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah 
    Wasaradda Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasi oo kala ahWasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtayta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland.

    Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray
    Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, waxaana uu mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/796330830781770/

    Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la Qaatay Wasiirka Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud , waxaana uu bogaadiyay shaqada ay hayaan.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha 
    oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), Wasiir Ku-xigeenka Maxamed Bashiir Cabdullaahi iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi,
    Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee ay yeelandoonto Wasaaraddu iyo xafiisyada Waaxaha Wasaaradda oo dhammaantood ku guda jira hawlahooda shaqo.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ee uu maanta kormeeray ku booriyey inay sii laba-jibaaraan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.