Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni oo kormeer qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda ee Garoowe
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni oo kormeer qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda ee Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah, Wasaaraddaha Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe, kuwaasi oo kala ah: Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah 
    Wasaradda Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasi oo kala ahWasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtayta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland.

    Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray
    Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, waxaana uu mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/796330830781770/

    Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la Qaatay Wasiirka Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud , waxaana uu bogaadiyay shaqada ay hayaan.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha 
    oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), Wasiir Ku-xigeenka Maxamed Bashiir Cabdullaahi iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi,
    Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee ay yeelandoonto Wasaaraddu iyo xafiisyada Waaxaha Wasaaradda oo dhammaantood ku guda jira hawlahooda shaqo.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ee uu maanta kormeeray ku booriyey inay sii laba-jibaaraan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.