Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada” (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada” (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 14, 2019Updated:August 14, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland
    kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarada. Munaasibadda lagu xusayey maalintani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey
    Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda,
    Kooxda fanka ee Mahuraan, Abwaaniin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Deni ayaa khudbad tariikhi ah ka jeediyey Xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxaana uu ugu hambalyeeyey maalintani mihiim ka ah.

    “Marka ugu horaysa hambalyo maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ah maalin ku astaysan in la xasuusto dhallinyarada doorkooda, laguna baraarugo waxqabadkooda,
    waxaan rabaa halkan inaan ka sheego kooxda Mahuraan inay ka Tirsan tahay Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maanta wixii ka dambeeya,
    waxay noqondoontaa Hay’adda raacsan Wasaaraddaas, miisaaniyaddeeda iyo waxtarkeeduna Wasaaradda ayaa loo xilsaaray”

    “Dhallinyaradu waa Xooggii dalka, xagan waxaa lagu dhigay “Dhulku Waa Dhallinyaro” balse waxaan runtii aad uga xumahay in dhallinyaradii ay aad hadda ugu jihaysatey
    waxyaabaha maandooriyayaasha ah oo dalka ku soo badanaaya oo runtii aanay ahayn dhaqan, akhalaaq, diin iyo feker dadkeenu lahaan-jireen,dadkan waa dad muslimiin ah
    waa dad dhaqanka ku adag, waa dad suugaantooda iyo waxgaradkoodu ay u diyaariyeen umad nool inay noqdaan, dhallinyaro fursad baad weli haysataan.
    Dowladda aan anigu hadda Madaxda ka ahay muhiim bay u tahay dhallinyaradu maxaa yeelay 75% haday bulshada dhallinyaradii yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada marka”
    Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya fursadaha shaqo ee ka jira dalka ayaa tilmaamay in Puntland ay tahay meel loo soo shaqotago,
    balse dadkeedu aanay fahansanayn fursadaha jira iyo abuuridda shaqooyinka.

    “Puntland waa loo soo shaqotagaa, marka ma noqonayso dadka reer Puntland shaqo mahaystaan, dalalka la leeyahay dadkoodu shaqo ma ahaystaan xitaa waxay la’yihiin musqul ay dhaqaan,
    meel ay ka shaqeeyaan maleh, wuxuu sugayaa nin ka tegey shaqo, mid dhintay iyo mid hawlgabnoqday shaqadiisa, shaqo la’aanta la sheegayaa waa taas, lakiin umad aan waxbaba ka shaqaynayn
    oo hadana oranaysa shaqo la’aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba Wasaradaha ay khisayso.

    “Hay’addaha waxaan ka codsanayaa in mashariicdooda ay ku saleeyaan baahida halkan ka jirta. Waxaan aad uga xumahay in shaqooyinku iska noqdaan wax-baa sidaa layeeli jirey,
    waxaan rabnaa inaan noqono umad wax-soo-saar leh oo maskaxda ka shaqaysa, baahida qeexda, waddo xal ahna keenta oo aan la oran saas ayaa la yeelijirey.
    Waxaan rabnaa Puntland Dhallinyaradeeda dhainaca Ciyaraha inay Kaalinta Koowaad ahaato, Dhaninaca aqoonta kow noqoto, dhinaca arrimaha bulshada iyo meelaha laga muuqdo ay noqdaan
    dadleh hogaamin iyo feker muqleh, Soomaaliya sidii midnimadeeda loo soo celin lahaa inay doorweyn ka qaadato ayaan rajaynaynaa Insha Alla,
    13kii dhallinyarada ahaa ee SYL fekerkoodu Puntland ayuu ka bilaabmay Soomaali oo dhanna waa ay ahaayeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray barnaamij lagu tababarayo dhallinyaro xirfadda gacanta
    ee Korontada, samaynta Telefoonada iyo xirfado kale oo muhiim ah, waxaa ka faa’iidaysanaya 40 hablood iyo 60 wiil oo dhammaantood dhallinyaro ah,
    waxaana Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland kala qayb-qaadanaya Hay’addaha Horn Fishion iyo UNICEF.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.