Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Qatar Oo Shaacisay In Ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo
    Puntland

    VIDEO: Qatar Oo Shaacisay In Ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.

    Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

    Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

    Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda.

    https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/1090785534462567/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.