Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xuska aas-aaskii Jabhadda ONLF oo lagu qabtay Kismaayo (Daawo Sawirro)
    Puntland

    Xuska aas-aaskii Jabhadda ONLF oo lagu qabtay Kismaayo (Daawo Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqolaal kamid ah Shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa u dabaaldagay aas-aaskii Jabhadda Xoreynta Ogadenia oo laga joogo muddo 35 Sano ah.

    Munaasabad ka dhacday hoolka wayn ee Daawad ayaa waxaa kasoo qayb-galay Mas,uuliyiin ka socotay Ururka gobonimo doonka ONLF oo uu ugu horeeyo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland, Odayaasha dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

    Dadkii goobta ka hadlaya ayaa ku dheeraaday Taariikhdii uu soo maray halganka Ogadenia iyo dhibaatadii ay shacabku kala kulmeen gumeystaha.

    Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), oo ka mid ah xubnaha sar sare ee ONLF oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday Isbadalka ka hana qaaday geeska Afrika gaar ahaan gayiga Soomaalida waxa uuna sheegay in haatan ay Jabhadu qalin iyo wada hadal ku raadin doonto gobonimada Ogadenia balse aysan marna ka tanaasuleynin qadiyadda ay mudada dheer u soo halgamayeen.

    Qalbi Dhagax ayaa Shacbiga Soomaali Galbeed ugu baaqay in ay cafiyaan walaalaha kale ee Soomaaliyeed maadaama xafladdii sanadguurada ONLF ee sanadkaan lagu qabtay deegaano badan oo ay ka mid tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Dhan kale, waxa uu sheegay in ONLF ay la socoto xaaladaha ka jira gayiga Soomaalida mararna badana ay ka soo saartay warbixino ay ku boorineyso midnimada umadda Soomaaliyeed.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay ilaaliso nidaamka Federaalka iyo hanaanka dowlad goboleedyada maadaama laga baxay xilligii dowladii KMG-ka oo loo gudbey dowlad Federaal ah oo caalamka laga aqoonsanyahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.