Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Karaash oo la kulmay Guddiga Shirka Maal-gashiga Puntland
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Karaash oo la kulmay Guddiga Shirka Maal-gashiga Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 7, 2019Updated:September 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland.

    Kulanka uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Guddiga Aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

    “Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga, shirkaas waxaa Shir-guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba”.

    “Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

    https://www.youtube.com/watch?v=H1xnluJKJLE&feature=youtu.be



    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.