Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Sheekh Shariif “Farmaajo ma aqbaleyno inuu burbur u horseedo dalka”
    Puntland

    VIDEO: Sheekh Shariif “Farmaajo ma aqbaleyno inuu burbur u horseedo dalka”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado.

    Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loo baahan yahay in laga wada hadlo halka uu dalkaan ka socdo.

    “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”

    Sheekh Shariif ayaa sheegay in sharci darada ay dowladda ku dhaqmeyso ay keeni karto in dalka ay ka dhacaan waxyaabo aan la fili karin, waxaana uu xusay in dadka talada haya ay heystana baasabooro, haddii berri wax dhacaan ay carruurtooda dib ugu laabanayana, balse waxa dhibka ku dhacaya ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

    “Cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkaan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato anana magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, anaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa dowladda ku socoto waa qaldan tahay, waxaa leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaali ha isu timaado”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.