Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Xalka Soomaaliya Ma wuxuu ku jiraa nidaamka Cinfadaration ?
    Puntland

    VIDEO: Xalka Soomaaliya Ma wuxuu ku jiraa nidaamka Cinfadaration ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Hay’adda PDRC ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan ‘Xiriirka daciifka ah ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo doorashada 2020/21’, waxaana marti ku ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

    Doodada oo aheyd mid Su,aalo lagu weydiinayay Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ku wehlinayay Fagaaraha, waxaana si qoto dheer looga Dooday in la helo xal rasmi ah oo Soomaalidu ku heshiin karto, kaas oo salka u dhigi karana Hanaan Dowladnimo rasmi ah oo Soomaaliya ka hanaqaaday iyo wada-shaqeyn adag oo dhexmarta DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

    Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahanadii ku wehliniyay Dooda, ayaa soo jeediyay in Soomaaliya ay qaadato Nidaamka Cinfadaration ee ay qaateen Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Switzerland, kaas oo ah mid Awood siinaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Dhexe, horseedayana in dalku uu gaaro dhisme Dowladeed oo taaba-gala.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.