Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Uhuru Kenyatta oo khudbadiisa UN-ka ka sheegay in qaab wada hadal lagu xaliyo muranka Badda
    Puntland

    VIDEO: Uhuru Kenyatta oo khudbadiisa UN-ka ka sheegay in qaab wada hadal lagu xaliyo muranka Badda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay fadhiga 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo hadal qaaday muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee dacwadeeda taal Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

    Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii wadayo dadaalada uu ku bixinayo in dowladda Federaalka Soomaaliya in xal saaxibtinimo ka gaaraan muranka Badda.

    Waxaa uu soo dhoweeyay go’aanka 3-dii bishan September ka soo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee ahaa in labada dhinac wada hadlaan sida uu yiri.

    “Sida aan dhammaanteen ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada, Sidoo kale heshiiskii shuruucda badda ee Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamayaa xadeynta xudduud badeedda ee u dhaxeeya waddamada si saaxiibtinnimo ah”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    Uhuru ayaa ku baaqay in iyadoo la raacayo nidaamka Qaramada Midoobey in lagu xaliyo muranka Badda wada hadal, isla markaana uu ku rajo weyn yahay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka go’an tahay raadinta xal waara oo loo helo muranka Badda sida uu yiri.

    Madaxweynaha Masar ayaa soo qaban qaabiyay kulan uu isugu keenay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo is afgarad ka dhex dhaliyay labada dhinac oo tan iyo bishii March ee sanadkan aanay is arkin, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid xumaaday.

    Galaangalka ay Kenya wado iyo dadaalada diblomaasiyadeed ayaa ah sidii Dacwada taala Maxkamadda ICJ in qaab wada hadal ah loo bedelo, waxaana ay arrimahan u kaashaneysa dalal waa weyn si ay ay cadaadis u saaraan Soomaaliya, isla markaana aanay ugu guuldareysan go’aanka Maxkamadda Caalamiga oo noqon doona mid Soomaaliya guusha siiya, maadaama Kenya ay sheeganeyso dhulka badda ee xiga qeybta Soomaaliya, halkaasoo la rumeysan yahay inuu kheyraad shidaal uu leeyahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.