Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarumaha Dowladda ee Magaalada Boosaaso
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarumaha Dowladda ee Magaalada Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

    Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/387341348852064/

    Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynuhu uu maanta ku tegey xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

    ” Maanta oo ah maalin khamis ah madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kormeer rasmi ah ku tagey goobaha dowladda ee ku yaala magaalada Boosaso waxaana kormeerkaas madaxweynuhu ka bilaabay saldhigga bartamaha maadaama saldhigga dhawaan si casri ah loo dhisay si madaxweynuhu u fiiriyo qaabka uu bulshada ugu adeegayo.

    Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa ku tagey taliska qeybta booliska gonolka Bari iyo suuqa iibka ee kaluunka Magaalada Boosaaso iyo dekadda magaalada Boosaaso halkaas wuxuu madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo wasaaradaha kalluumaysiga maamulka degmada iyo gobolka wuxuu madaxweynuhu amar rasmi ah ku bixiyey in si deg-deg ah loo soo asteeyo meeshii laga dhisi lahaa marso ay yeelan doonaan kaluumaysatada iyo dadka ukala safraya gobolka Bari dhexdiisa qeybta badda isticmaasha”.

    Ugu dambayntii madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa ku tagey maxjarada xoolaha ee magaalada Boosaaso oo xiligaan xoolo badani ay ku xaraysan yihiin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.