Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Jubbaland oo qaadacday Shirka SPF oo ka furmay Muqdisho
    Puntland

    VIDEO: Jubbaland oo qaadacday Shirka SPF oo ka furmay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 1, 2019Updated:October 1, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Dowlad Gobaleedka Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle, oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in aanay Jubbaland ka qeyb galeyn Shirkaas, waxaana uu ku tilmaamay in habka loogu martiqaaday shirkaas ay aheyd mid qaldan.

    “Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri C/rashiid Jirre.

    Wasiir Qalinle ayaa sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laheyd qaban qaabada shirka ayaa ku martiqaaday Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, waxaana ajandayaasha shirka maanta furmay ku jiray khudbad uu Wasiirkaas ku lahaa shirka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.