Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Jubbaland oo qaadacday Shirka SPF oo ka furmay Muqdisho
    Puntland

    VIDEO: Jubbaland oo qaadacday Shirka SPF oo ka furmay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 1, 2019Updated:October 1, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Dowlad Gobaleedka Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle, oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in aanay Jubbaland ka qeyb galeyn Shirkaas, waxaana uu ku tilmaamay in habka loogu martiqaaday shirkaas ay aheyd mid qaldan.

    “Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri C/rashiid Jirre.

    Wasiir Qalinle ayaa sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laheyd qaban qaabada shirka ayaa ku martiqaaday Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, waxaana ajandayaasha shirka maanta furmay ku jiray khudbad uu Wasiirkaas ku lahaa shirka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.