Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Abgaal “Xukuumadda MD Deni waxaa ka go’an tayaynta Ciidanka” (VIDEO)
    Puntland

    Wasiir Abgaal “Xukuumadda MD Deni waxaa ka go’an tayaynta Ciidanka” (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

    Waftiga Wasiirka Maaliyadda waxaa Magaalada qardho ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar oo uu hurmuud u ahaa Xisaabiyaha Gobolka Yaasin Cabdi Ciise Boos.

    Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadd intii uu ku sugnaa qardho waxa uu booqasho ku tegey Xerada Ciidamada Xorgoble halkaasi oo ay ku jiraan Ciidamo dhowaan tababar uga furmi doono.

    Gen Yaasin Cumar Dheere Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dawladda puntland ayaa madaxda dawlada la wadaagay xog ku aadan Ciidamada tababarka loo qaban doono.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/752269908554400/

    Wasiir Maaliyadda oo la hadlay Ciidamada ayaa sheegay Xukumada uu hoggaamiyo Madaxwayne Dr siciid Cabdulaahi Deni in ay ku taamayso taabo galinta Ciidamo tayo leh oo hela daryeel dhan kasta ah.

    Ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa gaaray magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka bari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.