Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka Socda UNSOM iyo IGAD
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka Socda UNSOM iyo IGAD

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo.

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi.

    “Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yaraynlahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”.

    “Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaadhsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad.”Ayuu yiri Wasiir Xaange

    Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2364913346971585/

    Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dar-dargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

    Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.