Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Xisbiga Himilo Qaran oo dacwad ka gudbiyay XF Soomaaliya
    Puntland

    VIDEO: Xisbiga Himilo Qaran oo dacwad ka gudbiyay XF Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka.

    Shir jaraa’id oo uu goor dhow xarunta Xisbiga ku qabtay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

    Senator Ilyaas ayaa sheegay in tallaabadii lagu xayiray Sheekh Shariif ay aheyd mid sharci darro ah, sidaas darteed Maxkamadda sare ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xukuumadda.

    Tallaabadii todobaad ka hor lagu xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay xaalad siyaasadeed oo keentay in Xisbiyada siyaasadda ay ku dhawaaqaan isbaheysi, kuna eedeeyaan dowladda Federaalka inay waddo qaldan ku wado dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.