Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Sheekh Shariif “Waa nasiib darro in 30 kaddib la doonayo in Dalka lagu celiyo Kali-talisnimo”
    Puntland

    VIDEO: Sheekh Shariif “Waa nasiib darro in 30 kaddib la doonayo in Dalka lagu celiyo Kali-talisnimo”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 11, 2019Updated:October 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadlay kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu welwel weyn ka qabo sida xaalada siyaasadda dalka ay ku socoto.

    Sheekh Shariif ayaa sheegay in soddon sano kadib in dalka Soomaaliya loo celiyo nidaam kalitalis waxana uu ku tilmaamay in ay tahay nasiib darro.

    “Soddon sano kadib in dib naloogu celiyo nidaam kaligii talis ah oo aan oggoleyn sharci,oo aan ogoleyn, oo aan cid uu xurmeynayo aysan jirin waa nasiib darro.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan,waxana uu xusay in  sacabka beenta ah iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aysan waxba soo kordhineyn.

    “Dastuurkii hore loogu dhaqmayay in la iska laalo oo aan lagu shaqeyn waxaan u aragnaa inay tahay arrin Qatar ah oo aan la aqbalayn indhahana laga qarsan karin.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadda hogaamiya xisbiga Himilo Qaran.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxana uu taageeray war ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe oo ah in Kismaayo aan loo joogin oo kaliya  caleema saar balse wadatashi uu yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.