Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo 10 Askari looga dilay weerar
    Somalia

    Kenya oo 10 Askari looga dilay weerar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalamsyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas-uuliyadda qarax ka dhacay gudaha gobolka ay Soomaalidu dagto ee NFD.

    Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askar ka tirsaneed booliska sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ka soo gaaray qaraxaas sida ilo kala duwan ay noo xaqiijiyeen, hayeehee Al-Shabaab ayaa war kooda ku sheegtay in ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsanaa booliiska Kenya.

    Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxa uu ku haleelay inta u dhaxeysa deegaanada Kulan iyo Libooye Kenya oo hoos taga degmada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

    โ€œUgu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax haleelay baabuurkooda oo marayey meel u dhow xuduudda Soomaaliya sabtidiiโ€, ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ee ka howlgala gobolka waqooyi bari.

    Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo qaraxaas ka soo gaaray ciidamada Kenya, balse lama cayimin tiradooda rasmiga ah, sida uu qiray sarkaalka Kenyanka ah ee u waramay Reuters.

    Kenya ayaa ka mid ah wadamada Afrika ee ciidamada nabadd ilaalinta ah ay ka joogaan Soomaaliya, hayeeshee wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadeedu gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, waxaa si joogto ah gudaha dalkaas weerarro uga geysta dagaalamayaasha Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.