Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»KURDIDU WAA DAD AYAAN DARAN .WQ.Ibrahim Hawd
    Somalia

    KURDIDU WAA DAD AYAAN DARAN .WQ.Ibrahim Hawd

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KURDIDU WAA UMMADD AYAANDARAN

    Kurdidu waa ummad tiradeeda la gu qaddaro 35 malyuun oo qof. Asalkooda fogi ma aha Bariga Dhexe ee waa dhulka loo yaqaan Aasiyada Yar (Yurubta Bari iyo Aasiyada Waqooyi dhexdooda). Ka mid ma aha dadyowga loo yaqaan “Semitic” – Saami.

    Imbaradooriyaddii Cabbaasida ayay dadkani ka dhex muuqdeen awood ahaan markii kowaad oo kaalin millateri iyo tu siyaasadeedba ku yeesheen. Laakiin dhanka fikirka Islaamka wax yar bay ku darsadeen (fikirka Islaamka innagu waxba ku ma aynnaan darsan). Xagga dagaalka waxaa ka dhashay halyeygii weynaa ee Salaaxuddiin Ayuubi, oo asaas u noqday dawladdii Ayuubiyada ee boqol jirsatay.

    Dadka kurdidu abuur ahaan waa dad aad u dhiirran oo geesiyaal ah, tabta soomaalida, waana dad dhaqankooda dhabta ahi ahaan jiray xooladhaqato. Sidii ay Carabtii Cabbaasidu askar u ga dhigtay tab la mid ah ayay Turkidii Cismaaniyaduna u ga dhigatay. Labada jeerbana iyagu ma ay gaadhi jirin dawladnimo.

    Barta ay dunida ka ga yaallaan baa Ilaahay ku ciqaabay oo dawlado waaweyn iyo ilbaxnimooyinka Islaamka iyo Masiixiga ayaa dhulkooda ku loollama. Waa dad ayaandaran oo quwada casriga ah ayay badhtanka u gu jiraan: Eeraan, Ciraaq, Suuriya, Turki iyo Ruush (Turkumanistaan). Waa ummad ayaandaran.

    Dagaalkii dhowaan la gu jabiyay “Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Suuriya” Kurdidu hormuud bay ka ahaayeen oo wax ay ku waayeen 12000 oo nin. Wax ay intaas oo wiil u hureen in Maraykanka iyo Galbeedku aqoonsado. Laakiin wax walba asalkii baa la gu soo celiyay. Dawladihii weli waa saaxiib, Kurdidiina weli waa addoomo.

    Soomaaliyey gobannimada Rabbi innagu mannaystay, ee aan cid innaga qaadday jirin, innagu yaynnaan is ka qaadin. Haddii kal cuqubadaa Kurdida innaga tirada badan haysata ayaa ina heli karta.

    W/Q: Ibraahim Hawd Yuusuf

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.