Raโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u ambabaxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo heyโadda lacagta adduunka (IMF)
Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya.
Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo heyโadda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka goโantahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4).
