Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Jubbaland ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Jubbaland ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay caasimadda KMG ee Kismaayo Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Deni ku wehelinaayey Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada Jubbaland, weftigii Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa is-xogwaraysi ka dib ku booriyey Isimada Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland inay kala shaqeeyaan Dowladda horumarinta, xasilinta, xoraynta iyo nabadda dhammaan degaanada Jubbaland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in wadashaqaynta shacabka iyo Dowladda horseedo horumar, amni iyo dowlad wanaag.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay haldoorka Jubbaland inay garabsiiyaan Madaxda cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, Isla markaana ay si wada jira ugala shaqeeyaan xaalad kasta oo lid ku ah xasiloonida iyo horumarka Jubballand.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.