Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay India
    Somalia

    Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay India

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa magaalada New Delhi dalka Hindiya  kaga qaybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK waxana Wasiirka ku wehlinayay shirka danjiraha Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Faadumo C/laahi Maxamuud Insaaniya iyo lataliyaasha Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta.

    Shirka waxa soo qaban qaabisay hay’adda IHS MARKIT waxana kasoo qaybagalay dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo shirka lagu casuumay hay’addo iyo shirkado caalami ah, inta uu socday waxaa looga hadlayay tamarta iyo guud ahaan qayaraadka kala duwan ee dalkaas.

    Wasiirka Badaroolka iyo Macdanta Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa qudbad ka jeediyay inta uu socday shrika waxaa uuna ka hadlay qaabka Somaaliya uga faa’iideysankarto iyo sida shirkadaha iyo dawladaha kalke ee caalamka ay umaal gashankaraan Soomaaliya waxa uuna warbixin fiican ka siyay xaladda Soomaaliya.

    Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqaatay Wasiirka Badroolka iyo Gaaska dabiiciga ah DHARMENDRA PRADHAN waxa ayna ka wadahadleen sida ay dowlada Hindiya uga gacansiin lahed tabarida shaqalaha iyo in ay yeshaan wada shaqayn dhaw.

    Sido kale Wasiirka iyo Wafdiga lasocday ayaa waxa ay kulan laqateen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda tamarta ee Marekanka waxyabo badan ayaana looga wadahadlay kullankaas.

    Dalka Hindiya waxaa uu kamid yahay wadamada ku jira hardanka dhaqaalaha iyo in uu qayb ka noqdo quwadaha addunka ee tartanka ugu jira in ay gacanta ku dhigaan Badaroolka Macadanta iyo Gaaska dabeciga ah.

    Dalkena Somalia waxa uu hadda ku jira iibgeynta qaybo ka mid baloogyada shidaalka waxana aad dar dar xoogan ugu socdaa tageerada iyo gacansiinta ay ka helayan wadamada iyo shirkadaha daneeya shidaalka iyo macdanta.

    Ugu dambeyntii Wasiirka iyo Wafdigiisu waxaa ay  booqdeen Safaradda Soomalida ee Delhi halkaasoo Warbixin ay ku kala qaateen Safiirka iyo Diblomaasiyinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.